Sh. Aadan Madoobe oo muujiyey sida uusan raalliga uga ahayn

Gudoomiyaha Golaha Baarlamanka Soomaaliya ayaa muujiyay sida uusan raalliga uga ahayn marna
xil-ka qaadistii maanta uu Madaxweyne Yusuf sheegay inuu ku sameeyay Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde, wuxuuna caddeeyey sida barlamaanka ay uga go'an tahay inuu ilaaliy sharciga.
Mudane Sheekh Aadan Madoobe waxaa cadeeyay in uusan dooneyn in uu ka soo hormaro go'aanka Baarlamanka Somaliya uu ka qaadan doono arrinkaasi balse ay dhawaan go'aamin doonaan cida qaladka leh iyo sharciga cida waafaqsan.

Gudoomiyaha Baarlamanka Somaliya waxaa uu gaashaanka u daruuray in fekerkiisa xittaa uu ka dhiibto arrinta xilka qaadista balse waxaa uu yiri ''waxaa garta kala goyn doono Baarlamanka", waana la arki doonaa ciddii waafaqsan cahdiga ku-meelgaarka ah'.

Baarlamanka Somaliya ayaa dhawaan kalfadhi ka yeelan doona arrintaasi iyadoona kulankaasi uu noqon doono mid ka hormara mudada 3-da maalmood ee Madaxweynuhu sheegay Ra'iisal Wasaare kale in uu kuso magacaabi doono.

Add New Comment