ma dhabbaa in hoggaamiyeyaal IGAD ah ay la soo xiriireen Nuur Cadde


Warar laga soo xigtay ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in raisul wasaare Nuur Xassan Xuseen (Nuur Cadde) oo uu sheegay C/llaahi Yuusuf inuu xilkii ka qaaday ay xiriiro qadka taleefanka ah la sigad calaamad.jpgoo sameeyeen duhurnimadii maanta madaxweynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle & Wasiirka arrimaha dibedda Itoobiya Siyuum Musfin ayna kala hadleen go'aanka xilka qaadista ah ee ka soo yeeray madaxweynaha, waxeyna madaxdaasi u sheegeen Nuur Cadde in dalalka IGAD ay kulan degdeg ah ka yeelan doonaan hadalka ka soo yeeray C/llaahi Yuusuf ayna go'aan mideysan ka soo wada saari doonaan.

Ismaaciil Cumar Geelle & Siyun Musfin waxey kaloo u sheegeen Nuur Cadde in tallaabo cad ay ka qaadi doonaan wax ay u ku tilmaameen dagaalka uu C/llaahi Yuusuf kula jirto dib u heshiisiinta & nabadeynta Soomaaliya, iyo in dalalka IGAD ay markaan mowqif mideysan ka qaadan doonaan.

Add New Comment