Awood uma laha inuu xil iga qaado

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa qaadacay xil ka qaadis uu saaka C/llaahi Yuusuf ku sameeyay, isagoona sheegay in aanu awood u laheyn inuu xilka ka qaado.

Ra'iisul Wasaaraha oo shir jaraa'id ku qabtay Hotelka Bakiin ayaa waxaa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in tallaabo noocaan oo kale ah uu qaado Madaxweynaha, taasoo uu ku sheegay mid sharci daro ah, isla markaana uu si cad dastuurka ugu tuntay.

Aniga Ra'iisul Wasaare ahaan Cabdullaahi Y. xil igama qaadi karo, awoodna uma lahan inuu xilka iga qaado qodnuur cadde jpg.jpgobada uu cuskanayo waa beentiis, dastuurka ma dhigayo, Baarlamaanka ayaana iga qaadi kara ayuu yiri Nuur Cadde oo si cad u sheegay in Cabdullaahi Yuusuf mar walba uu caadeystay inuu la dagaalamo Dowlad kasta sida uu hadalka u dhigay.Nuur Cadde ayaa sheegay inuu magacaabay Madaxweynaha, laakiin waxa uu qeexay in xil ka qaadistiisu ay u taal Baarlamaanka, isaga oona sidoo kale waxba kama jiraan ku tilmaamay qodobada uu cuskanayo Mr. Yuusuf ee uu xilka uga qaaday.

 Xukuumadeyda 10-ka Janaayo ayay sanad u buuxsameysaa, marka eedeymahaas uu soo jeedinayo Madaxweynaha ee ah inaan musuq maasug wado qayaano aan sameeyay waa waxba kama jiraan, maxaa yeelay isagaa mar walba ku xadgudba axdiga KMG"ayuu mar kale ku celiyay Nuur Cadde oo ka hor hadlayay taageerayaashiisa.

Waxaa uu sheegay in Xukuumadiisa ay sii shaqeyn doonto, isla markaana ka Ra'iisul Wasaare ahaan uu isaga sii jiri doono, ilaa Baarlamaanka uu go'aan ka gaaro, isla markaana uu Baarlamaanka isagu xilka qaado, laakiin waxa uu diiday xil ka qaadista Madaxweynaha.

 Madaxweynaha isaga ayaa curyaamiyey waxqabadkii Xukuumadda isagoo ka jawaabaya guddoomiye gobol oo xilkii laga qaaday oo ay isaga isku xirnaayeen ayuu diiday go'aankii Golaha Wasiirada, markaasuu golaha wasiirada ku cadaadiyey in ay is casilaan isagoo gurigiisa ku shirinaayey  ayuu yiri Nuur Cadde.

Madaxweyne C/llaahi Yusuf oo saaka Magaalada Baydhabo kaga dhawaaqay inuu xilka ka qaaday Ra'iisul Wasaaraha ayaa ku eedeeyay inuu waxba ka qaban waayay dalka, isla markaana musuq maasuq iyo qayaano qaran sameeyay
Jawaabta uu bixiyay Ra’iisul Wasaare Nuur Cadde ayaa waxay u muuqataa mid ku dhisan nidaamka sharciga maadama xil ka qaadista Ra’iisul wasaaraha ay u baahan tahay in Baarlamaanka sameeyo, madaxweynaha waxaa uu xaq u leeyahay kaliya magacabista, iyadoona sida axdiga
qabo aanu Madaxweynaha awood u laheyn inuu xilka qaadis sameeyo.

Add New Comment