Odayaasha Beesha Mudullood iyo xil ka qaadista Nuur Cadde

   Odayaasha Beesha Mudullood ayaa sheegay inay ka soo horjeedaan xil ka qaadista sharci darada ah ee uu Cabdullaahi ku sameeyay Ra'iisul Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde). Isu soo bax iyo kulan odayaasha Mudullood ku yeesheen Hotelka Global ayaa waxay ku cambaareeyeen mowqifka Cabdullaahi Yuusuf ee uu xilka uga qaaday, iyagoona sidoo kale sheegay in taageeradii ay kala noqdeen C/laahi Yusuf.

    Nabadoon Cosobow oo ka mid ahaa dadkii ka hadlay kulanka ay isugu yimaadeen Odayaasha iyo  waxgaradka Mudullood ayaa wuxuu sheegay inay aad uga xun yihiin in Madaxweynaha uu qaado tallaabo aad u fool xun sida uu hadalka u dhigay. looma baahneyn inuu masuulkii dalka ugu sarreeyey ku dhaqaaqo wax ka baxsan sharciga, taasna aad baan u cambaareynaynaa, xil ka qaadista u gaarka ah isaga"ayuu yiri Nabadoonka oo sheegay in Nuur Cadde uu albaabka nabada horay u garaacay.

    Hadalka Beesha Mudullood oo uu ka soo jeedo Ra'iisul Wasaaraha ayaa u muuqanaya mid dhinac u xaglinaya, inkastoo ay jiraan aragtiyo kala duwan oo laga keenayo sharci ahaanshaha Mr. Yuusuf uu xilka uga qaaday Nuur Cadde.

Add New Comment