YAA MUDAN MAS.UULIYADDA GOS IYO XIRIIRADA KU MATAANEYSAN?

    Gudaha dalka waxa ka jira maaha marxalad suurto gelin karta in laga hadlo u tartamida madax Sport, maxaa yeelay maanku ma gos.jpghaleeli karo qiyaas markiiba la garan karo oo lagu misaalo masiibada ka jirta meelo badan oo ay ugu horeyso Caasimaddii dalka ee Muqdisho, welina xaalku wuxuu isu sii maqiiqayaa meel aan garashadu mahdineyn, taasina sabab macquul ah kuma micneyn karto in lagu mash-quulo ku soo bixida mas’uuliyadda ciyaaro aan loo heyn waxyaabaha muhiimka u ah ee ay ugu horeyso NABADU.

 Ha ku ash-qaraarin….oo  ha la amakaagin…anfariir-na yaanay kugu il-xaaxin ararteydu sida ay u aag-dhaafsan tahay, ama uga janjeerto HAL QABSIGA  qoraal-keyga ee is weydiinaya yaa geeya guddoominta GOS iyo xiriirada kala gedisan ee hoos yimaada, gogol dhigeygu waa gar, goor iyo goob kastaba waa in aan la geed saarin gobood falka heysta Soomaaliga gudaha jooga, iyo xad gudubka ku dul gowriira geyigii gobta ahaa, taasoo murugo nagu maan-gedineysa, isla markaana si magoogan noogu qabeysa inaan wax kasta ka hormarino sidii aan u maareyn laheyn mashaqadaas aan is badnay, asaageena nala maaganaa abid, haatana nagu mooro duugayo….laakiin….haddiiba loo xeyd-xeydanayo, loona xanjeeranayo xilka GOS iyo xiriirada ku xeyndaaban… oo ay dad farta uga xiran yihiin.... oo iyagii isku ximinayaan....xisaabta ku darso inaan dibnaha laga xiran…. tiiyoo sheeko xariiro la isku xusuusinayo xaalku siduu ku wacan yahay, iyo xilka cida mudan ee ay tahay in lagu xawilo.

Xiisaha aan sii ridneyn ee ku laran doorashada GOS iyo xariirada kale waxay tahay in dad aan badneyni naawilayaan, oo ay rajo ka qabaan in ay doorashadu dihato, oo dhasho, banaankana u soo saarto magacyo ku cusub saaxada ciyaaraha, kuwaasoo laga filan karo inay la yimaadaan waxqabad dhab ah oo ka bedelan sidii lagu yiqiin raggii ku magacownaa mas’uuliyadda ciyaaraha Soomaaliya ilaa iyo sagaashanaadkii, kuwaasoo ku caan baxay oraahda ah “ DHEEFSO ADAA TABCEE “, haddii aan si la wada garan karo u dhigana, waxaa caadi noqotay in GOS iyo xiriiradu noqdaan goob ganacsi oo ay dhaqaale ka sameeyaan, kuna tanaadaan inta maamusha, maadaama aanay xaaladu suurto gelineyn in la is xisaabiyo, wixii xad gudub ahna banaanka loo soo saaro, in sidaasi xaal yahay-na waxaa kaaga filan qeylada uu af labadii yeeray, ninkaan wada garaneyno….WARAABE…oo malaha niyad xumo uu ka qaaday sida loo uubateeyay (bahdilay) Sportiga Soomaaliya la argaagaxsan, afkii baa juuqda gabeyna la yuurura Anzalotti. ( Ma hubo halka uu rasmi ahaan joogo waayeelka orodada, laakiin waxaan ku hal qabsaday halkii iigu dambeysay ee aan ko ogaa. )

 Maamul xumada magansatay ciyaaraha Soomaaliya kuma koobna in banaanka ay ka joogaan dadkii ehelka u ahaa ee waayo'araga u ahaa, waxaase kaloo ka mid ah wax u muuqda nin jacleysi iyo anaaniyad, taasoo la oran karo waa wax weligeed ku lammaansanaa ciyaaraha Soomaaliya, xitaa xilligii bari-samaadka, ee dalku cagihiisa ku taagnaa, markaas oo loo soo joogay in safarada dibadaha iyo ciyaartoyda ka mid noqoneysa xulka qaranka lagu magacaabo qaab siloon oo cadaalad ku dhisneyn.

 Arrintaas ayaa haatan sii labo kacleysay, waxaana soo kordhay farsamo ay dhaqaale ku sameeyaan madaxda GOS iyo xiriirada kale ee hoos yimaada, taasoo ah in si cad loo iibsado kaalimaha ciyaartoyda ka qeyb galeysa tartamada faro ku tiriska ah ee ay Soomaaliya ka qeyb gasho, tanina waa amuur kale oo walbahaar ku wisiisineysa bahda ciyaaraha ee u bohol-yoobeysa inay arkaan mas'uuliyiin ka xishooda dhaqamadaas xilka leh, oo u darban inay dadaal ku bixiyaan horumarinta ciyaaraha, taasoo meesha ka saareysa qolyaha haatan magacaaban, ee weli u soo taagan in mar kale meyraxda la saaro oo ay maamulaan ciyaaraha Soomaaliya, si ay u sii wataan dhaqamadooda daneysiga ku dhisan.

 Sifaha nolosha ku sidkan ayay ka mid tahay inaan sahal loo helin wixii aad jeceshahay ee sadrigu dooni, si taas aan ka gedisneyn ilaa iyo hadda ma muuqato inay wadada ku soo jiraan, oo ay soo hiigsanayaan ka qeyb galka doorashada lagu wado in loo sameeyo GOS iyo xiriiradeeda dad laga filan karo inay wax qabad fiyow ku farsameeyaan maamulka ciyaaraha Soomaaliya, halkaas-na waxaa ka soo maaxaneysa min-guurinta qalinka inaan ku muujino inaan la heyn dad mudan maamulida GOS iyo xiriirada ku mataansan, laakiin ay weli soo mutaxan yihiin, oo ay iyagii xawaare isku dhaafayaan kuwii ganac-maalka ku naafeeyay ciyaaraha Soomaaliya, iyadoo ay marag ma doonto tahay inaanay u tartameyn danta guud iyo wanaaga sportiga Soomaaliya, ee ay si ka duwan u xusul duubayaan danahooda shakh-siga ah.

 Anoo huba inaan ahay nin aashiis iska hadlaya, maadaama ay aad u hooseyso rajada laga qabo inay hebelada haatan-ba sida hawaawiran u maamulaya Sportiga Soomaaliya, welina u holanaaya oo u haliilaya in haa loogu codeeyo, damacooda hiigsanaya maamulida GOS iyo xiriirada kalee hoos yimaada, inay hawadooda dib u hinqiyaan, oo ay fursad siiyaan, haddii la heli karo hebelo kale oo maamulka loogu hibeeyo inay ciyaaraha heer wanaagsan gaarsiiyaan, waxaan si kooban u  jaan-goynayaa tilmaamaha lagu garan karo cida mudan ee madaxa loo saari karo maamulida GOS iyo weliba xiriirada kala duwan ee hoos yimaada:-

 

    - Shakh-siyad lagu yaqaano taariikh ciyaareed, isla markaana leh han sarreeya, oo uu ku xaqiijinayo horumarinta ciyaaraha dalka.

 

     - In uu ka fog yahay ujeeddo daneysi, oo uu leeyahay hami ah inuu heybad ku kasbado wax qabad hufan oo uu ku hagaajinayo sumcadda Soomaalidu ku leedahay saaxada ciyaaraha dhammaan heerarka oo dhan.

 

     - In uu diyaar u yahay dood kasta oo ku timaada mudada uu xilka hayo, isagoo si aan mad-madow ku jirin u soo bandhigaaya waxqabadkiisa, si uu isaga difaaco haddiiba la soo hadal qaado in maamulkiisu khalad sameeyay.

 

Arrimo kale oo lagama maarmaan ah:-

 

     - In la abuuro warfaafin u gaar ah GOS iyo xiriiradaba, taasoo bulshada u soo gudbin karta wixii la qabtay, wixii aan la qaban iyo sababta loo qaban waayay, iyo qorshayaasha diyaarka u ah ee la fulinayo mustqablka soo socda.

 

     - In aan la masuugin soo gudbinta wixii soo gala GOS iyo xiriirada, sida:- dhaqaale, qalab isboorti, iwm, iyadoo lagu cadeynayo hadba aalada warbaahineed ee markaas GOS/xiriiradu heystaan, taasoo meesha ka saareysa tuhunka ah inuu jiro ku takri fal baahsan.

 

     - In si aan qarsoodi aheyn loo shaaciyo mushaaraadka ay helayaan dadka maamulaya GOS iyo xiriiraduba, tanina waxay meesha ka saareysaa in aan loo gacan banaanaan ku talax taga kharashaadka soo gala GOS iyo xiriirada oo aan ognahay inuu ka yimaado Guddiga Caalamiga ah ee Olambikada, iyo sidoo kale xiriirka kubada cagta oo isna miisaaniyada ugu badan ee xiriirada soo gasha ka hela FIFA.

 Qodobadaan oo laga yaabo inay dhinacyo kale qabyo ka noqdaan, waa kuwo aasaas looga dhigo karo in lagu guuleysto helitaanka dad mudan oo mas'uuliyadooda loo aayo, kuwaasoo daadihiya sanadaha soo socda GOS iyo xiriirada kala gedisan ee hoos yimaada, iyadoo laga gudbaayo hunu-huno iyo hadal heyn aan wanaagsaneyn oo ku hareereysan maamulada haatan ee GOS iyo xiriiradaba.

 Gunaanadkii, dadka laga heli karo tilmaamahaas iyo qaar kaloo aan la muujin ayaa mudan, oo madaxa loo saari karaa mas'uuliyada GOS iyo xiriirada ku mataansan ee hoos yimaada, ruuxii aan isku hubin hufnaantaas waxaan leenahay KA JOOG ADIGA MAAHEE, kuumana haboona inaad bulshada ciyaaraha ka hor muuqato, oo aad jid gooyo ku sii ahaato horumarinta ciyaaraha Soomaaliya.

 


 

Add New Comment