SilGor 10/13/2010 6:36:56 PM
Al Shabaab ayaa la wareegtay maamulka garoonka diyaaradaha ee Nambar Konton kaasoo uu horay gacanta ugu hayeen ganacsato aan ka tirsaneyn maamulka Al Shabaab Al Mujaahidiin.Wararka ka soo baxaya garoonka ayaa sheegaya in Al shabaab xayiraad ku soo rogeen diyaaradaha qaadka ee isticmaali jiray garoonkaasi.
SilGor 10/12/2010 3:59:35 PM
Wasiirka arrimaha dibadda ee Dowladda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa waxa uu saxaafadda u sheegay in si degdeg ah 500-askari loogu diri doono dalka Soomaaliya si ay aga qayb qaataan howlgalada ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ee nabad illaalinta.
SilGor 10/11/2010 5:54:29 PM
Magaalada Sirte ee dalka Liibiya shirkii Afro-Arab ee uu ka qaybqalay madaxweynha sh.Shariif iyo wafdigiisa ayaa dowladaha carabta waxay u ballan qaadeen dowladda Soomaaliya in bil waliba la siin doono 10-milyan oo dollar si ay ammaanka wax uga qabtaan.
SilGor 10/10/2010 11:57:07 PM
Gudoomiyaha Midowga Afrika Jean Ping ayaa u magacabay Madaxweynihii hore ee Ghana Jery Rowlings ergeyga cusub ee u qaabilsan Midowga Afrika Arrimaha Soomaaliya si uu indhaha caalamka uu kusoo jeediyo wax ka qabashada Soomaaliya
HOL 10/10/2010 11:40:56 PM
Waa markii ugu horeysay ee ay Soomaalidu kuraas ku yealato baarlamaanka dowladda hoose ee magaalada Stockholm. Waxaa sidoo kale magaalada Katrineholm soo galay maamulka magaaladaas Yaasiin Maaxi oo ka socda xisbiga Socialdemokraterna.
HOL 10/9/2010 11:56:08 PM
Iskahorimaad u dhexeeyay ciidammo booliis ah iyo kwuo madani ah ayaa maanta ka dhacay dhacay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaartay dhinacyada uu dagaalku u dhexeeyay.
SilGor 10/8/2010 10:21:52 PM
Sheekh Muqtaar Roobow Abuu Mansuur oo kamid ah saraakiisha ugu sareysa Xarakadda Al-Shabaab ayaa markii ugu horeysay beeniyey jiritaanka warar sheegaaya in khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay isaga iyo Hogaamiyaha Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane.
Silgor 10/7/2010 7:15:18 PM
Sheekh Xasan Yacquub Cali oo ay isku heyb yihiin Abuu Mansuur ayaa isaga baxay magaalada xeebta ku taal ee Kismaayo,bixitaankiisa waxaa loo aaneynayaa khilaafka u dhaxeeya madaxda sare ee xarakada Al shabaab .
somaliweyn 10/6/2010 7:58:51 PM
Wararka naga soo gaaraya magaalada B/Weyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay halkaasi ka baxeen ilaa saddex tiniko iyo maleeshiyooyin gaaraya 100-ruux, oo ka tirsanaa Al-Shabaab
SilGor 10/6/2010 7:47:04 PM
Agaasimaha guud ee Telefishanka UNIVERSAL Eng. Axmed Abubakar oo u waramay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay go’aanka ay xukuumaddu Soomaaliland ku xayirtay shaqadii Telefishanka iney ku noqotay mid kedis iyo la yaab ah.
SilGor 10/5/2010 5:20:58 PM
Madaxweynaha Dawladda Soomaaliya Shiikh Shariif oo dib ugu soo laabtey Muqdisho kadib markii uu lasoo kulmay madaxweynaha dalka Kenya Mwai Kibaki iyo wakiilka xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay uga wakilka ah arrimaha dalka Soomaaliya
SilGor 10/4/2010 4:12:08 PM
Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa Dagaal xoogan xalay waqti dambe ay kusoo qaadeen xooggaga hubaysan ee mucaaradka agagaarka Isbitaalka Xoogga Dalaka oo saldhig cusub shalay ay ka sammeysteen Ciidamada BRUNDI .
RADIO MOQDISHO 10/3/2010 4:58:07 PM
Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta sare ee xukuumadda Kmg ah ee Soomaaliya ayaa maanta shaacisay tirada ardaydii ku guuleysay imtixaanka deeqda wax barasho ee dowladdu ka heshay wadamada Sudan iyo Yemen si adayda Soomaaliyeed uga faa’iideestaan .







'
World News