SilGor 10/24/2010 9:43:33 AM
Warmurtiyeed kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, wuxuu ugu baaqayaa Afhayeenka Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan inuu sharciga ilaaliyo, isla markaana uusan iska hortaagin xildhibaannada Qaranka gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah
HOL 10/23/2010 11:20:21 PM
Waxaa maanta baaqday kulan ay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ku yeelan lahaayeen xaruntooda Muqdisho, kaasoo ay codka kalsoonida ugu qaadi lahaayeen ra'iisul wasaaraha uu dhawaan magacaabay Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
dayniile 10/22/2010 10:02:56 PM
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta salaaddii Jimcaha kaddib xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Yemen u Fadhiya Soomaliya Danjire Axmed Cumar Xamiidi.
10/21/2010 7:09:35 PM
Dadweynaha reer Muqdishu qaarkood oo daawasho u tagey dhoollatus ay sameynayeen boqolaal ciidan oo kumaandoos Al Shabaab ah oo ku labisnaa dharka milateriga kuwaasoo gaadda ka ciyaar ku sammeeyey waddooyinka magalada Muqdisho qaarkood.
SilGor 10/20/2010 7:33:26 PM
Kulankii Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku soo dhammaaday buuq iyo sawaxan kadib markii Xildhibaanada Baarlamaanka ay isku khilaafeen inuu noqdo mid gacan taag ah ama mid cod qarsoodi ah qaabka codka kalsooni siinta R/wasaaraha cusub loo qaadi lahaa
SilGor 10/19/2010 3:56:57 PM
Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay xildhibaanada beesha Dir,waxuuna uga mahad celiyay Kitaab Quran ah, ka tanaasulka Xilka Wasiirka koowaad ee beeshaasi u sharaxatay Mudane Max’ed C/laahi Oomaar
SilGor 10/18/2010 2:56:20 PM
Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin, ayaa mamnuucay adeegyada Zaad Sevice kadib markii ay ku eedaysay adeegani inuu hoos u dhigay isticmaalkii lacagta Shilin Somaaliga, fa'iidana u yeeshay shirkado reer galbeed ah oo qalqal gelinaya dhaqaalaha muslimiinta.
SilGor 10/17/2010 10:29:52 AM
Iska hor imaad hubaysan oo u dhaxeeya Xoogaga Shabaab iyo Xisbul Islaam ayaa ka soconaya gudaha Suuqa bakaaraha markii Ciidamo ka tirsan Xisbul Islaam ay weerareen Maxkamada Al Shabaab ku lahayd Suuqa Daawada iyagoo ka careysayn fal maalmo ka hor looga kala eryay Ciidamadooda goob ay lacago uga qaadayeen Gaadiidka
SilGor 10/17/2010 9:49:45 AM
ciidammo taabacsaan dowladda Soomaaliya oo hogaaminaayeen Saraakiil Xildhibaanno ka ah Barlamaanka DKMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta dagaal soconayay muddo gaaban kagala wareegay Xarrakada Al Shabaab Al Mujaahidiin gacanta ku haynta Degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo.
SilGor 10/16/2010 3:02:27 PM
Waxaa maanta gelinkii hore degaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Shabeelada Hoose ku geeriyooday Ilaah ha u naxariistee marxuum Meyre Maxamud Nuur oo ay da'disu ahayd 90 jir isla maantana lagu aasay isla degaankaas.
SilGor 10/15/2010 6:03:40 PM
Dagaal si kedis ah ay usoo qaateen ciidamada Al Shabab Al mujaahidiin ayaa waxa ugu suurtagashay inay ka saaraan ciidamadii Ahlusunna wal jamaaca oo joogay deegaanka Mareerguur kadibna waxay gacanta ku dhigaan dhammaaan magaalada duusamareeb.
SilGor 10/14/2010 11:35:21 AM
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Sooomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa galabta xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay magaca ra'iisul-wasaaraha cusub ee xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo)oo ka soo jeeda beesha MAREEXAAN - DAAROOD
SilGor 10/14/2010 4:48:37 AM
Caaqil Axmed Diiriye Cali oo ah afhayeenka golaha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye ayaa ugu baaqay ganacsatada Suuqa Bakaara iyo suuq bacad inay isaga guuraan si loo badbaadiyo Nafta iyo Maalka shacabka Soomaaliyeed







'
World News