SilGor 11/11/2010 11:48:30 AM
Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa diyaariyeen mowshin ka dhan ah Goddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan , waxayna ugu baaqeen R/wasaarha Soomaaliya inuusan soo magacaabin dowladdiisa inta xal is-afgarad
SilGor 11/10/2010 6:52:58 PM
Waxaa maanta gelinkii hore degaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Shabeelada Hoose ee dalka Soomaaliya ku geeriyooday Allaah ha u naxariistee marxuum Xasan Cabdulle Xasan oo ay da'disu ahayd 92 jir waxaana isla maanta lagu aasay Qabuuraha Al barakaat.
SilGor 11/10/2010 6:34:21 PM
Sawiro ay soo bandhigeen FBI-da Mareykanka ayaa waxaa ka muuqda Dhalinyaro Soomaaliyeed oo isugu jirta wiilal iyo gabdho degan dalka Mareykanka-Minisota, kuwaasoo lagu soo eedeeyey inay iibiyeen jirka gabdho Soomaaliyeed oo aan weli qaangaarin
Radio Muqdishu 11/9/2010 6:44:41 PM
Taliyaha Ciidanka Badda ee Dowladda Soomaaliya Faarax Axmed Cumar “Qare” oo xalay wareysi siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in si qaldan loo baahiyay war uu dhawaan saxaafadda siiyay oo ku saabsanaa burcad badeedda iyo maraakiibta ku howlan xaalufinta
SilGor 11/8/2010 6:37:58 PM
Waxaa maanta gelinkii hore degaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Shabeelada Hoose ee dalka Soomaaliya ku geeriyooday Allaah ha u naxariistee marxuum Ismaaciil Axmed Max,uud oo ay da'disu ahayd dhowr iyo sodon jir .
SilGor 11/8/2010 6:06:14 PM
Qarax bambaano oo caawa lala beegsaday ciidamo ka tirsan dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa in ka badan 10 qof ay ku dhaawacantay iyadoo wararka qaar ay sheegayaan inay jiraan dad ku dhintay qaraxaasi lagula eegtay ciidankaasi Booliiska degmada X/weyne
SilGor 11/7/2010 5:25:36 PM
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan) ayaa Maxkamada gobalka Banaadir ee dowlada KMG Soomaaliya ka aqbashay codsigiisii ahaa in xayiraadda laga qaado xisaabaadka Gobolka uga furan Bankiga dhexe
SilGor 11/7/2010 4:59:22 PM
Faahfaahinno dheeraad ah oo kasoo baxaya dadka ku dhintay dagaaladii ka dhacay hodon iyo howlwadaag kuwaas dhimashada ay gaartay 8 ruux halka dhaawacana lagu soo waramay in ka badan 14 ruux , dadkaasi oo badankoodu ay ku waxyeelooween madaafiic
RM 11/6/2010 4:05:24 PM
Dowladda Federaalka KMG-ka ee Soomaaliya ayaa maanta faahfaahin ka bixisay Dooman ay ugu deeqeen qaar ka mid ah Dowladaha saaxiibka la ah Soomalaiya, kuwaas oo loogu talo galay Ilaalinta Xeebaha Soomaaliya .
SilGor 11/6/2010 12:33:02 AM
Markab dhuxul u siday dalka isku taga imaaradaka Carabta ayaa dab ku qabsaday dekada weyn ee magaalada Muqdishu, waxaana uu dabkaasi ka yimid dhusha uu siday ,kadib markii uu qiiq fara badan uu ka dhashay dabka qabsaday markabka waxaana gurmad u sammeeyey gaadiidka dabbdamiska iyo maraakiibta AMISOM ee joogta dekedda.
11/4/2010 9:26:16 PM
Mas'uul sare oo u hadlay Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab ayaa maanta ku goodiyay inay baa’in doonaan shacabka ku nool magaalooyinka Kampala iyo Bujumbura ee Wadamada Uganda iyo Burundi si ay uga aargudaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Muqdisho
SilGor 11/3/2010 7:38:55 PM
Gudoomiyaha Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee dowaladda KMG Soomaaliya Xasan Max’ed Xuseen ayaa maanta ku riday Xukuno kala duwan 13-Eedeysanayaal oo isugu jiray Ciidan iyo dad rayid ah oo ku jireen xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho
SilGor 11/2/2010 7:30:11 PM
Ra'iisul Wasaare Farmaajo ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobey oo hogaaminaysay Haweeneyda Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan dhinaca ka hortaga caruurta dagaalada loo adeegsado.







'
World News