SilGor 11/22/2010 7:37:58 PM
Ergayga gaarka ah ee Qramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Augustine ayaa ugu baaqay Barlamanka KMG Soomaaliya inay si deg deg ah u ansixiyaan xukuumadda cusub ee Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG Max’ed Cabdullaahi Farmaajo soo dhisay
SilGor 11/22/2010 9:29:33 AM
kadib markuu harreeyay Buuq ,sawaxan iyo dhowr xildhibaan inay gacmaha iskula tageen marki laysu diiday qaabka kalsoonisiinta dowladda;Goddomiyaha Baarlamaanka ayaa xiray kulankii waana lagu kala dareeyay lamana sheegin goorta laysugu soo noqon doono
SilGor 11/21/2010 8:27:43 PM
Dacwad xoogan ayaa ka taagan dhacdo fool xun oo lagula kacay soomaalida qaxootiga ku ah dalka K/Africa kuwaasi oo sanadkii 2008 bishii june lagu quudiyay raashiin qurmay, hilib dameeraad iyo weliba waxyaabo kale oo aanan la garanaynin ilaa iyo iminka.
SilGor 11/21/2010 7:30:03 PM
Waxaa maanta Xarunta golaha shacabka kulan ku yeesheen 302 xildhibaan kulankaasi oo shir gudoominayay Shariif Xasan,xildhibaanada barlamanka qaarkood ayaa ka soo horjeestay waxqabadka Xukuumada ee Ra’iisul wasaaruhu soo bandhigay shalay
SilGor 11/20/2010 11:52:06 PM
Xaafado ka mid ah Degmooyinka Huriwaa iyo Yaasqshiid ayaa shalay waxay Ciidamada AMISOM ku garaaceen madaafiicda loo yaqaan PM, taasoo sababtay dhimasho 11 ruux oo shacab ah,dhaawacuna wuxuu kor u dhaafay ilaa 20 ruux
SilGor 11/20/2010 1:45:57 PM
Ra'iisul Wasaare Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo qaar ka tirsan wasiiradiisa waxay maanta ka qayb galeen kulan ay lahaayeen Baarlamaanka KMG ,khudbad kooban kadib, waxa uu R/wassaraha Mudanaaysha Baarlamaanka u aqriyay barnaamijka waxqabadka Xukuumadiisa ee saddexda bilood ee soo socota
HOL 11/18/2010 6:57:30 PM
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Farmaajo, ayaa maanta booqasho ku tagay saldhigyo ay ciidammada milateriga dowladda Soomaaliya kaga sugan yihiin Muqdisho.Booqashada R/wasaaraha,waxa ku wehliyay taliyaha ciidammada xoogga dalka Gen. Axmed Jimcaale ,taliyaha ciidammada badda Gen.Faarax Axmed (Qare) iyo saraakiil kale.
SilGor 11/18/2010 6:46:16 PM
R/wasaaraha dowladda KMG Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa waxaa uu soo bandhigay liis ku qoran wasiiru dowlayaal iyo wasiir ku xigeeno oo ay yeelaneyso xukuumadda KMG ee cusub,waxayna ka kooban yihiin 18 wasiir ku xigeen iyo 9 wasiiru dowlayaal,liiskaasi waxaa kasoo muuqday xubno ka tirsanaan jiray xukuumadii hore
SilGor 11/17/2010 6:09:48 PM
Suuqa bakaaraha ayaa maanta waxaa ku dhacay madaafiic xoogan oo ay soo tuureen Ciidamada AMISOM taas oo geysatay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh,duqeymahaasi waxay geysteen qasaare aad u weyn oo leh dhintay 16 ruux oo shacab ah iyo dhaawac kor u dhaafay 15 ruux kuwaasoo ka ganacsanaayay gudaha suuqa bakaaraha
SilGor 11/15/2010 8:21:53 PM
Website-ka SilGor wuxuu ummadda Islaamka guud ahaan,ummadda Soomaaliyeedna gaar ahaan ugu hambalyeynayaa munaasabadda CIIDUL-ADHXAA-AL-MUBAARAK, Wuxuuna dhammaantiin idiin rajeynayaa inaad ku wada ciidaan reyn-reyn iyo farxad, Colaadana Illaahay idiinka joojiyo
HOL 11/14/2010 7:14:24 PM
Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed oo la kulmay Paul iyo Rachel Chandler markii ay Muqdisho yimaadeen ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeedba ay aad ugu faraxsan yihiin in ay lamaanayaasha dib u heleen xoriyaddoodii.
SilGor 11/13/2010 10:41:05 PM
Habeenkii xalay ayaa la shaaciyay Magacyada Golaha wasiirada Cusub ee uu soo dhisay R/wasaare Maxamed Cabdulaahi Maxamed farmaajo,waa 18 Wasiir oo u badan aqoonyahano ka yimid dalka dibadiisa,waxayna qaarkood ay saaxibo dhow ahaayeen Ra'iisul Wasaare Farmaajo oo ay isla soo wada shaqeeyeen
SilGor 11/12/2010 1:38:08 PM
Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed ayaa xaflad lagu qabtay Villa Soomaaliya si rasmi ah kaga dhawaaqay magacyada 18 Wasiir oo ka mid noqon doona Xukuumaddiisa,3 maahee inta kale waa dad cusub oo aqoonyahanno ah qaarkood ay dalka dibaddiisa kaga yimaadeen Soomaaliya inay samatabixiyaan







'
World News