SilGor 12/29/2010 12:26:43 PM
Seyyed Morteza Bakhtiari,ayaa sheegay inay diyaar u yihiin in khibradda wanaagsan ee laga helay nidaamka cadaaladda ee dalka Iran ee ku salaysan aqoonta Islaamka loo gudbiyo dalka Soomaaliya si gacan looga siiyo inay u babac dhigto khuwadaha faragalinta ku hayo
HOL 12/28/2010 10:41:18 AM
Guddoomiyihii ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys, ayaa markii ugu horreysay kala hadlay saxaafadda xaflad lagu maamuusayay midowga Xarrakatul Shabaab iyo Xisbul Islaam, isagoo si aad ah uga hadlay dagaallada ka socda Muqdisho.
SilGor 12/26/2010 9:41:41 PM
War ka Soo baxay Booliiska wadanka Holland Laanta u Qaabilsan Amaanka gudaha dalka waxa ay Sheegeen in ay Soo QabQabteen 12 ruux oo Soomaali ah Kadib markii looga shakiyay inay falal argagixiso ay ka sameyn rabeen gudaha wadankaasi.
HOL 12/25/2010 10:55:18 AM
Tan markii ay ku dhufteen qeybo badan oo ka mid ah goballka Hiiraan Abaarta isugu jirta biyo iyo baad la'aanta soo food saartay in badan xoolaha dhaqatada ayaa waxaa lagu arkayaa Seyladaha Xoolaha lagu kala iibsado ee magaalada Beledweyne, Xoolo isugu jira Ari, Lo, iyo Geel, oo qiimo ahaan si weyn hoos u dhac ugu yimid
SilGor 12/24/2010 4:12:35 PM
Golaha ammaanka ee Qarammada Midoobay, ayaa go’aan ku gaaray in tirada ciidammada ku sugan Soomaaliya lagu kordhiyo 4,000 askari oo dheeraad ah si loo gaarsiiyo 12000 Askari, waxaa Sidoo kale 30-ka September 2011 la gaarsiiyay muddadii howlgalka ciidamadaasi.
SilGor 12/23/2010 8:43:03 AM
Dowladda Uganda ayaa sheegtay inay maalmaha soo socda ciidamo dheeraad ah oo gaaraya 1800 oo askari u soo direyso Soomaaliya si ay uga mid noqdaan ciidamada Ururka Midowga Afrika ee AMISOM ee haatan ku sugan gudaha magaalada Muqdisho.
SilGor 12/23/2010 8:12:44 AM
Ciidamo ka tirsan Xarakatul Shabaab Al-Mujaahidiin ayaa maanta la wareegay gacan ku heynta magaalada Xarardheere, kaddib markii shalay galabnimadii ay magaalada isaga baxeen ciidamadii Xisbul Islaam ee horey u maamuli jiray degmadaasi.
SilGor 12/23/2010 7:34:44 AM
Xubnaha Golaha barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku yeelanaya kulan ay kaga doodi doonaan miisaaniyadda sanadka 2011-ka ee Dowladda Soomaaliya ooay kol hore
SilGor 12/22/2010 7:17:12 AM
Warakii ugu dambeeyey ee naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa xaqeejinaya inay magaalada soo gaareen ciidamo ay leedahay Dowladda KMG ee Soomaaliya oo ay tiradoodu ku dhowdahay 1000 askari oo tababar kusoo dhammeystay waddanka Uganda.
SilGor 12/20/2010 10:00:27 PM
Qarax wayn aya caawa waxa uu ka dhacay bosteejo ku taal bartamaha magaalada Nairobi, taasoo laga raaco Basaska aadayaa dhanka Kambala.Saraakiisha Isbitaalka weyn ee Dalka Nairobi Kenya ayaa waxay xaqiijiyeen in ay 3 ruux ku geeriyoodeen, 23 kalana uu dhawac
HOL 12/20/2010 9:28:51 PM
Ugu yaraan afar qof oo shacab ayaa ku dhintay madaafiic maanta lagu weeraray madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo ay dhaawacyo kasoo gaareen 10-qof oo kale, oo iyaguna ahaa rayid ay madaafiicdu kula dhacady maqaayad ku taalla afaafka Madaxtooyada.
SilGor 12/19/2010 6:05:05 PM
Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya hogaamiyihii ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys, saraakiishiisa iyo dhammaan ciidamadii Xisbul Islaam inay galabta si rasmi ah ugu biireen xarakada Al Shabaab al Mujahidiin. Waxaa jiri doonta Xaflad weyn oo lagu maamuusi doono isku baaritaanka dhexmaray labadaasi urur.
SilGor 12/18/2010 11:26:31 AM
Waxaa maanta magaalada Muqdisho(ceelasha biyaha) ku geeriyooday laguna aasay, Allaah ha u naxariistee marxuum Maxamed Xasan Xaaji Macow oo lixdan iyo afar jir ahaa,waxaana geeridiisa la ogeysiinayaa dhammaan eheladiisa oo kala jooga dalka gudihiisa iyo dibeddiisaba.







'
World News