HOL 1/19/2011 8:01:36 AM
Afhayeenka Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere), oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, ayaa ku eedeeyay dowladda KMG inay qaybaha yar ee ay kaga sugan tahay Muqdisho ku wareejisay shirkado calooshood u shaqeystayaal
SilGor 1/18/2011 8:23:08 PM
Xildhibaan Jaylaani Cali Kadiye oo ka tirsana Mudanayaasha Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqay in uu iska casilay Xubinimadii Barlamaanka KMG ah ee Soomaaliya isagoo sheegay in uusan sii wadi karin xilkaasi
SilGor 1/18/2011 3:17:23 PM
Ra'iisul-wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed ayaa maanta markii ugu horeysay jawaab ka bixiyey hadalkii dhowaanta ka soo yeeray Ismaamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo lagu sheegay in Puntland xiiirka u jartay Dowladda Soomaaliya.
HOL 1/17/2011 4:29:28 PM
Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif ,madaxweyanaha Jabuuti Ismaaciil Cumar, ra’iisul wasaarihiisa Dileyti,danjire Augustine Mahiga iyo madax kale ayaa maanta ka qaybgaleen xaflad tababar loogu furayay 500-askari oo ka tirsan ciidanka booliiska Soomaaliya
SilGor 1/17/2011 4:50:40 AM
Immanka Masjidka Da'wah ee Saint Paul Immaam Sheikh Xasan Jaamici ayaa si kulul u diiday sida loola dhaqmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool Minisota ee dalka Mareykanka, waxuuna warbaahinyta u mariyay 4 farriin,Dowladda Mareykanka iyo warbaahinteeda,Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo Waalidiinta (Video)
SilGor 1/17/2011 4:46:55 AM
Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Dr. Daa'uud Maxamed Cumar ayaa shaaca ka qaaday Maamulka Puntland kulanka golaha wasiiradda ay ku yeesheen magaalada Garoowe inay go'aansadeen in xiriirka ay u jareen Dowladda KMG ee Federaalka Soomaaliya
SilGor 1/16/2011 7:49:17 PM
Kulan looga wada hadlaayay ammaanka ayaa Madaxweynaha Dowladda KMG ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed uu la yeeshay Saraakiil sar sare oo ka tirsan Ciidamada Xooga dalka iyo qaar ka mid ah Golayaasha Wasiirada Xukuumada KMG ee Soomaaliya .
HOL 1/15/2011 10:00:07 PM
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta wareegto uu soo saaray isku-bedel iyo xil-ka-qaadis ku sameeyay Wasiiro ka tirsan Xukuumaddiisa,wuxuu xilalkii ay hayeen ka qaaday laba Wasiir wuxuuna ku beddelay wasirro cusub oo hor leh.
SilGor 1/14/2011 5:44:54 PM
Safiirka Jaamacadda Dowladaha Carbeed u qaabilsan arrimaha Soomaaliya mudane Axmed Cabdalla Idriis ayaa beesha Caalamka ugu baaqay in kaalmo dhinaca mileteriga ah iyo mid dhaqaalaba loo fidiyo Dowladda KMG ee Soomaaliya.
SilGor 1/13/2011 6:33:27 PM
Sarkaal u hadlay Al Shabaab Al Mujaahidiin ayaa sheegay inay qasaare culus u geysteen AMISOM xalay mar ay ciidamadooodu ay weeraro qorsheysan ku qaadeen saldhigyada ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku leeyihiin Degmada Boondheere .
SilGor 1/12/2011 9:58:33 PM
Wararka caawa ka imaanaya degmada boondheere ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dagaalo xoogan oo hubka nuucyadiisa waaweyn sida madaafiicda laysu adeegsaday, waxaana halkaasi ku dagaalamaya ciidamada Dowlada,AMISOM iyo Al Shabaab
HOL 1/11/2011 8:14:29 PM
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Max'ed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, iyagoo kusii jeeda Mareykanka, si ay uga qaybgalaan shir Qarammada Midoobay ay uga hadlayso Soomaaliya
SilGor 1/10/2011 3:20:57 PM
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Orkanger ee bartamaha dalka Norway waxay tacsi gaar ah u dirayaan : 1 - Cabdirasaaq Maxamed Cabdi (Suxufi) iyo 2 - Ibraahim Maxamed Cabdi (Ibro) oo ay hooyadood marxuumad Xaajiyo Faadumo Maxamed Cali ku geeriyootay magaalada Muqdisho.







'
World News