SilGor 3/12/2011 3:41:00 PM
Dalka Burundi ayaa sheegay inay ciidamo ka socda dalkooda oo tiradoodu gaareyso 1000 askari ay labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay soo gaareen magaalada Muqdisho, si ay qayb uga noqdaan ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho.
SilGor 3/12/2011 3:21:23 PM
Banaanbax lagu taageerayey dagaallada ay Xarakatu Shabaab Al Mujaahodiin kula jiraan ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ee ka socda qaybo badan oo dalka ah ayaa maanta ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
HOL 3/11/2011 11:20:47 PM
Inta la ogyahay shan qof oo kooxihii dagaalamay k tirsan ayaa ku dhintay dagaallo xalay iyo saakay ku dhexmaray Muqdisho ciidamada dowladda KMG ah iyo xoogagga Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin, iyadoo aan la ogeyn tirada dhaawacyada ee labada dhinac
HOL 3/9/2011 7:01:36 PM
Sheekh Cumar Faaruuq Xaaji Cabdi-Suldaan Xaaji Maxamuud wuxuu ku dhashay degmada Qooxley oo Qallaafe iyo Qabridaharre u dhaxeysa, halkaasi oo magaceeda caanka ahi yahay "Carmaale" . Carmaale waxaa dariiqa diimeed ka hayey aabihiis Xaaji Cabdi-Suldaan, dariiqadaasoo ka koobanayd dugsi Quraan iyo baridda diinta
SilGor 3/8/2011 6:24:09 AM
Waxa maanta duhurnimadii magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga ku geeriyooday Allaah ha u naxariistee Sheekh Cumar Faaruuq oo ka mid ahaa culimada sida weyn looga yaqiinay dalka
SilGor 3/7/2011 1:17:23 PM
Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaa Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xilka lagaga xayuubiyey taliyeyaashii ciidamada Xoogga Dalka, Boliiska, Asluubta iyo Nabadsugidda, kaddib markii ay sidaas madaxweynaha u soo jeediyeen Golaha Wasiirada.
SilGor 3/6/2011 1:59:36 PM
Waxa caaw fiidkii mar qura qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho ka billowday madaafiic culus oo badankeeda ka dhaceysa qoriga BM-ka iyo qoryaha waaweyn ee hubka artelariga kuwaasoo laga tuurayo xarumaha ciidamada AMISOM ay kaga sugan yihiin magaalada.
SilGor 3/5/2011 7:02:32 PM
Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa maanta la wareegay gacan ku-heynta degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo, kaddib markii ay dagaal qaraar halkaasi kula galeen ciidamadii Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin ee horey halkaasi ugu
Jowhar 3/4/2011 8:35:40 PM
Kulan ballaran oo ay soo qaban qaabiyeen Odayaasha dhaqanka, aqoonyahanada iyo qeybaha bulshada Rayidka ayaa manta lagu qabtay Magaalada Muqdisho, kaasoo lagu taageerayay howl galka Ciidamada Dowladda iyo dagaalada ay dhowaan qaadeen, iyadoo kulanka ay ka
SilGor 3/4/2011 7:55:58 PM
Maamulada Al Shabaab Al Mujaahidiin ee gobolada Bay iyo Bakool waxa ay sheegeen in ay ciidamo farabadan oo loo soo xiray tababar milateri ay usoo direen gobolka Banaadir si ay kaga qeyb qaatan dagaalada ay kula jiraan ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM
SilGor 3/3/2011 6:33:27 PM
Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa kulamo xasaasi ah la qaatay taliyeyaasha Ciidamada milateriga Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM, kulankaasi waxaa looga xaajooday xaaladaha dagaal iyo duulaanka ciidamada Dowladda
SilGor 3/1/2011 5:18:50 PM
Dhamaan Ururka Israca Silgor iyo Maamulka shabakada silgor.com waxay hambalyo u dirayaan Cabdimaalik Cabdulqaadir iyo aroosadda Nadiira oo xafladdoodii Arooska ka dhacday magaalada FREDERICIA ee dalka DENMARK, waxayna leeyihiin Guurkiina Guur kheyr , Gurigiina Guri Nag Allow ka yeel Aamiiin
HOL 3/1/2011 4:53:47 PM
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta xafiiskiisa qaabilaad sharafeed ugu sameeyey safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Xukuumada Liibiya Ambassador Ciisa Rabiic Caashuur







'
World News