HOL 2010-04-03 8:18:38 PM
Waxaa heshiis ku kala saxiixday Magaalada Nairobi ee dalka Kenya Ahlusunna Waljamaaca iyo Koox isku magacowday Muqaawamada Gobollada Jubbooyinka, heshiiskaas oo ah mid looga horjeedo Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin. Heshiiskan ayaa waxaa Ahlusunna u saxiixay Sheekh Xuseen Sheekh Dayib halka Kooxda kale uu u saxiixay Maxamed Amiin Cabdullaahi Cismaan
SilGor 2010-04-02 2:15:04 PM
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, kaddib markii uu magaalada Sirti ee dalka Libya kaga soo qaybgalay shirmadaxeedkii Jaamacadda Carabta ee ka dhacay halkaasi, booqashana ku soo maray dhowr dal oo ku yaalla Geeska Afrika.
HOL 2010-04-01 3:27:17 PM
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke ayaa sheegay inaan awood ciidan oo keliya looga adkaan karin kooxaha dowladda kasoo horjeeda, isagoo xusay in loo bahana yahay fikrado kale iyo in golaha wasiirrada xubno cusub lagu soo biiriyo si kalsoonida shacabka sare loogu qaado.
SilGor 2010-04-01 9:02:29 AM
Midowga reer Yurub ayaa waxa uu ansixiyey in 7-da bishan April ay billaabanayaan tababarro mileteri oo 2000 oo askari oo ka tirsan ciidamada Dowladda KMG ah ee Soomaaliya uga furmi doona xeryo mileteri oo ku yaalla gudaha waddanka Uganda.
SilGor 2010-03-29 7:52:43 PM
Banaan bax balaaran oo ay soo qabanqaabiyeen Dowladda iyo culimada dariiqooyinka oo lagu diidan yahay qodista Qabriyada Culummada ayaa maanta ka dhacay Degmooyin ka tirsan gobolka
2010-03-28 5:37:36 PM
Xoghayaha guud ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay maanta in maamulka Gobolka uu burburin doono asagoo kaashanaayo ciidanka AMISOM deegaannada cusub ee laga dhistay agagaarka garoonka diyaaradaha ee Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.
SilGor 2010-03-25 6:11:35 AM
Ciidamada Al-Shabaab ayaa maanta barqadii waxay iskuweer ka qabteen Masjidka Macallin Biyamaalow oo ku yaalla Degmada Hawlwadaag waxayna kala fasaxeen dadkii kujiray Masaajidka kadibna waxa ay u guda galeen hawshooda Qabuur faagista oo ay maalmahani ka wadeen magaalada Muqdishu.
SilGor 2010-03-24 7:37:39 PM
Waaliga Gobolka Banaadir Sheekh Cali Maxamed Xuseen ayaa saxaafada u sheegy inay kooxdiisa Al-shabaab ay wacad ku martay inay wada bur burin doonaan dhamaan Qubuuraha Culimada diinta e Soomaamiyeed , iyagoo sheegay in Soomalida qaarkeed ay caabudaan Qubuurta Mashaa'iikhdaasi sidaasi darteedna ay burburinayaan dhammaan Qubuurta caanka ah ee la siyaarto
SilGOr 2010-03-24 7:02:31 PM
Af hayeen Wasaaradda Warfaafinta C/risaaq Qeylow ayaa sheegay in Dowlada KMG ah ee Soomaaliya dagaalkii ay shalay la gashay kooxaha Mucaaradka inay kula wareegtay qeybo badan oo kamid ah Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.
SilGor 2010-03-24 6:40:57 PM
Wasiiru dowlaha xafiiska R/wasaaraha Dr. Khaalid Cumar Cali ayaa sheegay in dhamaadka bisha uu dhici doono kulankii u horeeyay kadib heshiiskii Addis Ababa, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in kulankan lagu lafa-guri doono qaabka awood qeybsiga iyo xilalka ay Ahlusuna ka qabanayaan Dowladda dhexe.
SilGor 2010-03-23 3:56:32 PM
Diyaarada mileteri oo nuuca helicopters-ka ah oo joog aad u hooseeya ku duulaya oo aan heybtooduna la garan ayaa waxa lagu soo warramayaa in maanta lagu arkay hawada magaalooyinka Baraawe iyo Marka ee gobolka Sh/Hoose, taasoo baqdin ku abuurtay dadweynaha
HOL 2010-03-22 4:24:24 PM
Ra'iisul wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Soomaaliya Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan (Ibbi) ayaa sheegay inay amar ku siiyeen Hay'adda WFP inay raashinka ugu
HOL 2010-03-21 9:36:31 PM
Shirar jaraa'id oo ay ku kala qabteen Muqdisho wasiirka Lacagta C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow), wasiirka Kaluumeysiga





'

World News