SilGor 6/9/2010 10:21:18 AM
Qarax ahaa miino nuuca meelaha fog fog laga hago ayaa lala beegsaday gaari ay saarnaayeen Askar ka tirsana Ciidamada booliiska Dowladda KMG , ilaa 6 askari ayaa ku geeriyootay qaar kalana way ku dhaawacmeen qaraxaasi kaasoo maanta barqanimadii ka dhacay
SilGor 6/9/2010 8:21:15 AM
Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda KMG ee Soomaaliya mudane Cabdiraxmaaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta ku soo biiray wasiirradii maalinnimadii shalay iska casilay xilkii ay ka haayeen xukuumadda uu ra'iisul -wasaaraha ka yahay mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.
HOL 6/8/2010 1:57:10 PM
Wasiiru dowlihii Wasaaradda Difaaca Soomaaliya Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) ayaa maanta sheegay inuu iscasilay uuna warqad iscasilaaddiisa u gudbiyay Ra'iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke.
SilGor 6/7/2010 8:42:46 AM
Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Barlamaanka Soomaaliya u doortay mudane Axmed Dhimbil Rooble Casoowe, kaddib markii uu ka guuleystay 9 xildhibaan oo jagadaasi kula tartamay.
SilGor 6/6/2010 8:21:34 AM
Waxaa maanta Xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho ka socota doorashada ku-xigeenka 2-aad ee guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya, kaddib markii shalay la doortay ku-xigeenkii 1-aad ee guddoomiyaha BarlamaankaSoomaaliya.
SilGor 6/6/2010 7:57:50 AM
Xildhibaannada Golaha Baalamaanka Soomaaliya ayaa Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha maalinnimadii shalay u doortay Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey, doorashadaas oo ka dhacday xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.
SilGor 6/5/2010 2:37:25 AM
Wararka ka imanaya degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maamulkii Ururka Xisbul Islaam ee degmadaasi iyo weliba tuulooyinka hoos taga ay ku biireen maamulka gobolka Hiiraan ee Xarakatul Shabaab Al-Mujaahidiin.
SilGor 6/5/2010 1:59:54 AM
Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka ee Barlamaanka KMG ee Soomaaliya Xaaji Shukri Sheekh Axmed ayaa sheegay in gelinka hore ee maanta la qaban doono doorashada gudoomiye-ku-xigeennada 1-aad iyo 2-aad ee Barlamaanka Soomaaliya.
SilGor 6/4/2010 9:21:32 PM
Bahda SilGor waxay halkan hambalyo iyo bogaadinba uga dirayaan arooska iyo aroosadda Guuleed Cali Maxamuud iyo Caafiya Cusmaan Sheekhaay oo uu dhowaan arooskoodu ka dhacay magaalada Brescia ee waddanka Talyaaniga.
HOL 6/3/2010 8:51:02 PM
Dagaalo inta la xasuusto ah kuwii ugu cuslaan ee soo mara Goballka Galgaduud ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay ku dhaxmaray deegaanno ku dhaw dhaw degmada Dhuusa-mareeb Xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca iyo kuwa Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab.
SilGor 6/2/2010 9:48:41 PM
Dagaal xoogan oo u dhaxeeyo Ciidamada Ahlu Sunah Waljamaacah iyo kuwa Xarakada Alshabaab ayaa ka qarxay maanta duhurnimadii meel labaataneeyo KM u jirto magaalada Dhuusa Mareeb ee xarunta Gobolka G/gaduud Deegaanka Bulacle oo koofur Bari ka xigta Magaalada Dhuuso Mareeb oo ah halka labada ciidan ay foodda isku dareen ayaa laga soo sheegayaa dhimasho labada dhinac ah.
HOL 6/1/2010 11:21:04 PM
Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Isniintii shalay hadal ka jeediyay shirka Afrika iyo Faransiiska uga socda Magaalo xeebeedda Nice ee dalka Faransiiska. Madaxweyne Sheekh Shariif wuxuu ka codsaday Madaxdii shirkaas ka qaybgalay oo ka socday 40-wadan oo Afrikaan ah in dowladdiisa gacan laga siiyo sidii ay dib ugu soo celin lahayd amaanka iyo kala-dambeynta.
5/31/2010 9:24:58 PM
Dad saarnaa maraakiib falastiin u siday cunno, daawo iyo qalab dhismo,ayaa Ciidanka Yahuudda weerar ay xalay saqdii dhexe ku qaadeen ayaa waxay ka dileen 20 ruux, 100 kalana waxaa soo gaaray dhaawac , maarkiisbtaasi oo lahaa dowladda Turkiga waxaa la socday dad kor u dhaafay 600 qof oo ka kala yimid adduunka oo dhan kuwaasoo ay ka mid ahayeen Culuma'udiin, Xildhibaanno, suxufiyiin dhalinyarro diidan cunnaqabteynta hal milan iyo bar ruux 1000 maalin ku xayiran wadanka Falastiin qaybta ay xukunto Xarakada xurnima-u-dirirka ee Xamaas.





'

World News